Qarax Miino Oo Ka Dhacay Muqdishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in la la berg sad ay Mid ka mid Mas’uliyiinta Degmooyinka Gobolka Benadir, Qaraxa ayaa lagu sheegay miinada dhulka la geliyo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow, Ex Koonis Stadium, waxaana lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Muuse Geesey Jimcaale oo marayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu ka badbaaday qaraxa lala bartilmaameedsaday, balse waxaa la soo wariyey inuu ku dhintay hal qof shacab ah, kaas oo ahaa Wade Mooto Bajaajle, iyadoona ay ku dhaawacmen saddex kale, iyadoo ay goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Waa markii labaad ee uu qarax ka bad-baadayo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, isagoona 23-kii bishii July ee sanadkan qarax noocan oo kale lagula eegtay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho.

56300cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Muqdishu