Digniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu

Somalia news

Iyadoo lagu guda jiro marxaladii ugu dambeysay ee geedi socodka Doorashada dadban loo balansan yahay in la qabto 15-ka bishaan, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Digniino amaan oo la doonaayo in lagu carqaladeeyo dooraahada mowjado qaraxyo iyo Dilal la diyaariyay…

Ilo wareedyo loo qaateen ah oo dhanka amaanka ayaa Warsidahaan Diinah.com news u sheegay in Farmaajo & Fahad ay xabsiga ka siideen dhamaan Dembilayaashii iyo Eedeysanayaashii ku jiray Xabsiyada Caasimada, Gobolada Bay iyo Gedo, iyadoo Horjoogayaasha kooxda Shababka looga bedeshay iney carqaladeeyaan Doorashada.

Sidoo kale dhamaan Maleeshiyaadkii horey uga tirsanaa Kooxdaasi isla markaasna laga shaqo siiyay Hey’adda NISA ayaa lagu wargeliyay iney ku gacan siiyaan kooxda Shababka sidii loo hirgelin lahaa fulinta Qorshahaan, iyadoo maantaba qaraxii ugu horeeyay laga fuliyay barta kontrool ee KM-4.

Fiiro gaar ah:- Muwaadiniinta Caasimadda ha yareeyaan socodka magaalada inta laga gaaraayo 16-ka Bishaan.

188100cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu