Kulanka Golaha Wasiirada Iyo Ansixinta Danjirayaal

Somalia news

Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in maanta lagu wado in Golaha Wasiirada la hor keeni doono liiska ilaa 15-Danjire oo cusub, si ay u meel mariyaan, inkastoo khamiistii hore ay Golahu soo diideen liiska Safiiro 12 ahaa, waxaa soo diidmadda lagu sababeeyay in aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga 4.5 iyo xubnaha la soo gudbiyay oo u badnaa hal beel, taasoo ay dood ka keeneen Wasiirada qaar….

Magacaabida Danjirayaashaan ayaa ku soo aaday, xilli muddo xileedka Madaxweynaha talada haya uga dhiman tahay 24-Maalmood, waxaana ay u muuqataa mid Xukuumadda u adeegsaneyso olole siyaasadeed, maadaama xubnaha qaar ee Safiirada loo magacaabayo ay ka yimaadeen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada taageersan dowladda Federaalka.

Magacaabidan haddii ay dhaqan gasho, waxaa la filayaa inay galaafan doonto safiirro hadda xilal ka hayo wadamada Ruushka, Pakistan, India, Kenya, Mareykanka, Koofurta Sudan, Itoobiya iyo Sudan, kuwaasoo boosaskooda ku weynaya hannaanka awood qeybsiga, sidoo kale Safiirada la magacaabayo howlgalintooda iyo aqbalaadooda dalalka loo dirayo waxay qaadan kartaa muddo 60 cisho.17

86770cookie-checkKulanka Golaha Wasiirada Iyo Ansixinta Danjirayaal