Beesha Caalamka Oo Soo Fara-Gelisay Shirka Dhuusa mareeb-3

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Diinah.com news u sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay Wakiilada Beesha Caalamka ay ku guuleysteen iney horumar ka gaaraan waan waan ay ka dhex wadeen Kooxda ku shirsan Magaalada Dhuusa mareeb iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan shirkaasi….

Saaxiibada Somalia ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Mr.Saciid Dani iyo Mr.Sheekh Axmed Madoobe ku qanciyeen iney ka qeyb galaan Shirka Dhuusa mareeb-3, isla marnaasna ay ay damaanad qaadaan fulinta heshiisyada lagu gaaro Shirka, halka Kooxa kale loo sheegay in Shirka dib loo dhigo ilaa Sabtida.

Waxaa rajo weyn laga qabaa in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaari doonaan magaalada Dhuusa mareeb maalmaha Jimcaha ama Sabtiga nagu soo aadan, iyadoo Qodobada kale oo ay ka cabanayaan loo sheegay in marka uu frmo shirka laga wada xaajoon doono. Mr.Farmaajo oo dadaal ugu jiray inuu heshiis hordhac ah ka soo saaro maanta kadibna ku dhawaaqo Magacaabista Wasirka 1-aad, iyadoo Qorshihii Mr.Farmaajo uu dib u dhac ku yimid, kadib war-saxaafadeedkii shalay ay soo saareen Wakiilada arrimaha Somalia daneeya.

55560cookie-checkBeesha Caalamka Oo Soo Fara-Gelisay Shirka Dhuusa mareeb-3