Duqeyn Drones ah oo Khasaare Dhaliyay ayaa Ka Dhacay Duleedka Degmada Cadale

Somalia news

Warar dheeraad ah ayeey ka soo saareen Ciidamada Mareykanka weerar duqeyn ah oo Diyaaradaha Drones-ka ka fuliyeen duleedka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada dhexe, kuwaasoo lagu dilay tiro Makeeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka..

Sida lagu qeexay war-saxaafada loo gudbiyay, Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa kadha ay degaan qiyaastii u jirta Caasimada 248-KM dhanka waooyiga kaga beegan Caasimada Mogadishu, qiimeynta hordhaca ah ayaa la sheegay in lagu dilay 6- Makeeshiyaad ah oo ka tirsan Argagixisada Shababka.

Dowladda Federaalka ayaan ka hadlin duqeyntaan iyo iney jiraan khasaare soo gaaray Dadka rayidka ah ee degaanka, balse Ciidamada Dowladda iyo xulafadeeda ayaa muddo waday Olole balaaran oo ay ku doonayaan iney ku soo afmeeraan jiritaanka Maleeshiyaadka Shababka iyo dhibaatada ay u geystaan Shacbiga Soomaaliyeed.

232880cookie-checkDuqeyn Drones ah oo Khasaare Dhaliyay ayaa Ka Dhacay Duleedka Degmada Cadale