Maxaa Isku Soo Beegay Dilka Shaqaale ka tirsan Hey’adda SCAA iyo Khalkhal Gelinta Diyaaradaha..

Somalia news

Wararka laga helaayo Boliiska Degmada Wadajir ayaa sheegaya in Meydka Cabdinasir Muse Cabdiraxmaan (Dahable) in Mako Nur Dhimbil 32-sano jir ahaa kana ka tirsanaa Shaqaalaha Hey’addaha (SCAA) ee hawada, ee Muqdisho ayaa meydkiisa laga helay Gurigii uu ka daganaa magaalada, Marxuumka ayaa kasoo jeeda Gobolka Awdal ee Waqooyiga Dalka…

Sida ay xaqiijinayaan qaar kamid ah ehelada marxuumka, wuxuu deganaa Xaafada (Ceel-qalow), iyagoo sheegay iney meydka ku yaalan nabaro u muuqda in la marjiyey, inkastoo aysan Xoogaga Amniga faahfaahin bixin, Marxuumka ayaa dhawaan kasoo laabtay Waxbarasho dibada ah oo la xariirtay cilmiga Hagida Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO (ee maamuli jirtay Hawada Somalia) qeybteeda Hargeysa uuna kasoo jeeday Somaliland.

Ku Darsoo inkastoo Boliiska ay qabteen 6-Eedeysane oo la tuhmaayo, haddan Waxaa la xaqiijiyay in la khalkhal geliyay Diyaaradaha EL ee Israel oo u socotay Dalka Thailand iyo Qatar Airways oo Dalkeeda u sii socotay, Diyaaradahaan ayaa dul maraayay Hawada Waqooyiga Somalia kadib markii fariimo ka heleen Tawarka Magaalada Hargeysa, talaabadaan ayaa muujineysa inuu weli sii socdo falka Khakhal gelinta Diyaaradaha.

https://m.jpost.com/middle-east/article-787572

309490cookie-checkMaxaa Isku Soo Beegay Dilka Shaqaale ka tirsan Hey’adda SCAA iyo Khalkhal Gelinta Diyaaradaha..