Warbixino hordhac ah ah ayaa muujinaaya in Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ay diyaariyeen qorshe iyo dhaqaale sidii Kursiga Xildhibaan Cabdiraxman Odowaa Looga adkaan lahaa Doorashada dhowaan ka dhici doonta Dalka Somalia….
Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xildhibaan Odowaa oo xiligaan ah Xoghayaha Madashii Urur siyaasadeedyada ee mideysan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, kursigiisa loolan badan ayey ugu jiraan shaqsiyaad kala duwan.
Wararka Ayaa sheegaya in Kooxda Farmaajo iyo Mr.Qorqor aya ku heshiiyeen sidii loo taageeri lahaa Musharaxa Cabdiraxman Yuusuf (Al-Cadaala) Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Ee Dowladda Federaalka, Musharaxa ayaa qaraabo hoose la ah Xildhibaan Odowaa, waxaana loo diyaariyay dhaqaale uu ku galo tartan ka.