Barakacayaal Ku Dhibaateysan Xeryo ku yaal Duleedka Magaalada Mogadishu

Somalia news

Waxaa ka sii dareysa xaaladda nololeed ee saameysay Qoysaska ka soo barakacay Degaanadooda kuwaasoo ku tabaaleysan  duleedka Magaalada Muqdisho, Qoysaskaan ayaa halgan adag ugu jira maareynta nolol maalmeedkooda, waxeyna ku dayacan guryo cooshado ah oo ay dhisteen…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xeryahaasi qaarkood (kaamamka) waxaa ka dilaacay xanuuno ay ka mid yihiin, shuban biyoodka iyo kor cuncun iyo Cudurka Covid-ka, iyadoo la xiriiriyay Sababo nadaafad darro oo ka jirta xeryahaasi ay ku nool yihiin.

Wararka ayaa sheegay in Qoysaskaan aysan awoodin iney gaaraan xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, maaddaama aanay heysan dhaqaalihii lagula tacaali lahaa xalaadooda caafimaad, waana arrin keeneysa in ay dayac u dhamaadaan.

Maamulka Gobolka Benaadir iyo Mas’uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabiyey doorkoodii ku aaddanaa u gurmashada Qoysaskaan, mana jirto Hay’ad madax bannaan oo adeeg caafimaad ka fulisa Xeryaha barakacayaasha.

203540cookie-checkBarakacayaal Ku Dhibaateysan Xeryo ku yaal Duleedka Magaalada Mogadishu