Dhaqaale Lagu Xiray Xildhibaanada Cusub Ee Hir-Shebele

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Guddiga Farsamada iyo maamul u dhisida Hirshabelle dhaqaale ku xireen inay bixiyaan Xildhibaanada cusub ee xalay lagu dhawaaqay…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Guddiga Farsamada la sheegay inay ku xireen shuruudo cusub Xildhibaanada cusub ee doonaya in loo sameeyo kaarka aqoonsiga Xildhibaanimo in marka hore bixiyaan lacag gaareysa 500-Dollar (Shan Boqol Dollar ) si loogu sameeyo kaarka aqoonsiga.

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada cusub ee xalay lagu dhawaaqay ayaa markii ay saakay tageen xarunta guddiga farsamada loo sheegay lacagta laga doonayo, Xildhibaanadan ayaana isaga soo tagay xarunta guddiga iyaga oo yaaban, Xildhibaanada maamul goboleedyada ayaan horey looga baran in lacago looga qaado sameynta kaararka aqoonsiga, lamana oga sababta guddiga farasamada lacaga ugu xireen xildhibaanada cusub ee Hirshabelle.

69260cookie-checkDhaqaale Lagu Xiray Xildhibaanada Cusub Ee Hir-Shebele