Ma Dhabaa I Villa Somalia Ay Qorshayaal U Maleegtay Agaasimaha NISA

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kooxda Villa Somalia ay joojisay Gaari nuuca aan xabada karin oo hore loo siiyay Janaraal Bashiir Goobe, kadib markii ay Qoraal been abuur ah ay u direen Shirkadda iska laheyd gaariga…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Qeybaha Maamulka Lacagtaan iyo Gaadiidka Ee Madaxtooyada Villa Somalia ay Warbixin u direen Shirkadda iska Leh oo todobaad your ka hor laga Iibiyay, Gaarigaan oo noociisu yahay Land crusaders ( Bullet proof), inuu gaariga u gacan galay kooxda argagixisada Shababka.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkada ay awood u leedahay iney la socoto dhaqdhaqaaqa gaariga, maadaama uu ku shaqeeyo system computer, sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegeysa in shirkada ay awoodo in ay damiso gaariga inkastoo aysan sugneyn xogtaan dambe.

Saraakiisha amaanka Ee Xafiiska Wasiirka 1-aad ayaa sheegay in sababo amni uu isaga dhigay Agaasimaha NISA gaari kadib markii la gudbiyay xogta gaariga, waxaana lagu wareejiyay gaari kale iyo ciidan Milateri ah, iyadoo sidoo kale ay soo baxday in xogo muujinaaya iney socdeen qorshayaal lagu khaarjin rabay Sarkaalka oo laga soo maleegay Villa Somalia.

142260cookie-checkMa Dhabaa I Villa Somalia Ay Qorshayaal U Maleegtay Agaasimaha NISA