Mr.Guterres Oo Warbixin u gudbiyay Golaha Amaanka.

Somalia news

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Golaha Amaanka usoo jeediyey in tirada Shaqaalaha Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia lagu hayo heerka ay hadda yihiin illaa dhammaadka sanadkan, sida ku cad warqad ay heshay wakaaladda wararka AFP….

Tirada Ciidamada Amisom ayaa ka kooban 20,000 oo askari, kuwaasoo isugu jira Milateri, Boliis iyo rayid, waxeyna taageeraan Dowladda Federaalka ee dagaalka kula jirta Kooxaha argagixisada, Muddo xileedka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, hase yeeshee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu 30-ka Maarso u codeeyo howlgal cusub oo lagu magacaabo ATMIS.

Warqaddiisa oo Golaha Amaanka loo gudbiyey Isniintii, ayaa Mr.Guterres wuxuu ku sheegay inuu doorbidayo qorshe ka kooban afar weji oo si tartiib tartiib ah loogu yareeyo shaqaalaha ATMIS, “si loogu ogolaado looguna taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya inay qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023,” ayada oo dhammaan militariga ajaaniibta ah ay ka baxayaan Soomaaliya 2024.

Inkasta oo AMISOM ay qeyb ahaan maal-geliyaan QM iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma shaacin cidda maal-gelin doonta howgalka ATMIS, “Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda ayaga oo kheyraad ku filan siinaya ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri xogyahaha guud ee QM.

173750cookie-checkMr.Guterres Oo Warbixin u gudbiyay Golaha Amaanka.