Ma Dhabaa in 66-Xildhibaan Lagu Heshiiyay Beelaha Puntland ay qeybsan doonaan…

Somalia news

Sida ay xaqiijinayaan Ilo loo qaateen ah dadaalo ay garwadeen ka yihiin Dhinacyo kale duwan ay ku guuleysan karaan in Jadwalka galabta laga sugayo Guddiga xalinta iyo Ansixinta Khilaafaadka uu noqdo 66-Xildhibaan oo wadajir loo shaaciyo, iyadoo darafyada Horgalada dhexdooda ay is tuseen 49-Xildhibaan iney mustaqbalka kooxa siyaasadeed dhaawac ku yahay…

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuliyiin hore oo soo Maamulay Degaanadaasi ay saacadihii u dambeeyey wadeen dadaalo dhinacyada lagu qancinaayay kooxaha Xusul-duubka ugu jira xukunka in wax badan isbedelayaan haddii tiradda lagu soo koobo 49-Xildhibaan, iyadoo 30-kamid ahi laga soo dooran doono Gobolka Bari ayna u badan tahay iney muddo dheer Hogaanka Puntland heystaan.

Xogta ayaa xaqiijisay in talaabadani ka dhignaan doonto in Kuraasta SSC-Khaatumo lagu buuxiyo Beelaha Mudug, Nugaal, Sanaag Bari iyo Bari ka imaan doonaan oo rabitaanka darafyada lagu qanciyo iyadoo la filaayo in saacado uun kadib ayaa la sugayaa Liiska kama dambeysta ah la shaaciyo.

297400cookie-checkMa Dhabaa in 66-Xildhibaan Lagu Heshiiyay Beelaha Puntland ay qeybsan doonaan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com