Ma Dhabaa in Abiy-ga Maamulka Ethiopia uu La Kulmaayo Muuse Biixi Dhawaan..

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in magaalada Jigjiga oo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ku sugan yahay muddo 3-maalmood uu u yeeray Muuse Biixi Madaxa Maamulka Gooni goosadka Somaliland, kaasoo lagu wado inuu dhawaan soo gaaro halkaasi..

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in kulankaan uu ku soo hagaagay kadib markii uu Mr.Abiy kulan la qaatay Mrs.Molly Phee Kaaliyaha Xogahayaha Arrimaha Dibeda USA iyo Ergeyga gaar ah ee USA ee Geeska Africa Ambassador Mike Hammer, iyadoo kulankaasi intiisa badan looga wada hadlay Khilaafka dhul/Xeeb boobka ku dhisan ee Ethiopia kafib markii ay heshiis la gashay Maamulka Waqooyiga Somalia.

Maamulka Addis abeba ayaan war rasmi ah ka soo saarin Kulankaan, balse waxaa xaqiiqo ah in Cadaadis Diblomaasiyadeed oo caalami ah lagu hayo wixii ka dambeeyay heshiiskii Is-Afgarad ay la gaareen Maamulka Falaagada ee Waqooyiga Somalia looguna saxiixay Dhul-xeebeed 20-Miles ah iyo 90-KM oo wado Tareen iyo Gaadiid ilaa xadka ah.

308500cookie-checkMa Dhabaa in Abiy-ga Maamulka Ethiopia uu La Kulmaayo Muuse Biixi Dhawaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com