Maxay Somalia Olole ugu Jirtaa Raadinta Kursiga Golaha Amaanka QM..

Somalia news

Dalka Somalia ayaa la filayaa iney guul ka soo hooyso loolanka ay mudo ka badan 6-sano ugu jirtay iney hanato Kursiga aan joogtada aheyn ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka QM, gaar ahaana xubinta Barriga Afrika, iyadoo fursadda ugu balaaran ay hadda Somalia leedahay, marka loo eego Dalalka tartanka iskugu soo haray…

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 15 xubnood, oo shan ka mid ah ay yihiin joogto, kuwaasoo kala ah China, France, Russia, UK & USA Maraykanka, Xubnaha joogtada ah ayaa ka dhigan inuusan jirin xeer meesha ka saaraya waligood, sida muuqatana waa Dalalka ku hubeysan Hubka Nukliyeerka kuwooda ugu awooda badan.

Kuraasta tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ayaa loo qaybiyey Qaaradaha iyo Gobolada Caalamka, waxaana lagu doorta Golaha guud ee Qaramada midoobey, Muddo xileedka xubanaha waxay ku egtahay laba sano, waxaana Afrika ku soo aada ilaa saddex xubnood oo ay Dalalka Afrikaanku isku badbadalaan.

Haddii Somalia ay fursadan ku guuleysato, kursiga ayeey ku fariisan doontaa 2025-2026ka, waxaana horay ugu dambeysay jagadan 1974-tii oo ay markaas qabatay Jamhuuriyadii Demuqaraadiga ee Somalia, Haddaba maxay yihiin danaha ay helaan Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, siiba kuwa aan joogtada ahayn.

Doorka ugu caansan waa Shir-guddoonka Golaha ee meertada ah, inkastoo fursadaha ay ka mid yihiin Guddoominta Hay’ado-hoosaadka sidoo kale laga helo waqtiyo saameyn ku leh arrimo gaar ah.

308460cookie-checkMaxay Somalia Olole ugu Jirtaa Raadinta Kursiga Golaha Amaanka QM..