Ma Dhabaa in Baarista Caafimaadka Ajaaniibta Loo Xiray Qoyska Madaxweynaha..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegay in Wasiirka Caafimaadka Doeladda Federaalka oo fulinaaya Amar laga soo siiyay Hogaanka Villa Somalia ayaa Shirkad gaar oo ay leeyihiin Xubno ka tirsan Qoyska Madaxweynaha u xiray Oggolaashaha iyo bixinta Adeegyada Baarista Caafimaadka ee Ajaaniibta Degaanashaha ka Qaadanaya Dalka..

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Baaristaan horey waxaa Qofku uga sameynsan jiray Rugaha Caafimaad ee uu doono, hase yeeshee hadda waxaa la ogolaanaya oo kaliya Baaritaanka ay sameyso shirkadan qoyska Madaxweynuhu sameysteen laguna magacaabo (Spot-Check and Lab Diagnostics), iyadoo saamiyo laga siiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka ayaa 15-kii May, ee sannadkani, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha JFS ku amray in aysan aqbali karin baaris caafimaad oo goob kale laga soo maray natiijadeeda, Madaxweynaha Dalka ayaa ku jira la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta.

276610cookie-checkMa Dhabaa in Baarista Caafimaadka Ajaaniibta Loo Xiray Qoyska Madaxweynaha..