Ma Dhabaa In Canshuurtii Shacbiga Caasimada Laga Qaado Uruurinteeda Shirkad Lagu Wareejiyay..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe ay Wasaarada Maaliyada ku dooneysay iney ku bedesho Accountiyadii Canshuuraha Biriga, iyadoo ay ka dhalatay Dood, waxaana lagu badalay Marchant oo ah adeeg sida EVC + u shaqeeya taasoo ka hor imaaneysa Sharciga Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyada…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Maaliyada iyo Canshuuraha Dowlada, ayaa aamisan in kaliya lagu shubi karaa akoon Dowladeed waxaana lagu bixin karaa saxiixyo kala duwan ee Mas’uliyiinta Wasaarada iyo Bangiga dhexe, laakiin Shirkadda MGS ee la siiyay qandaraaska Canshuur uruurinta ayaa sameysayay akoono u gaar ah, iyadoo ka guurtay kuwii Dowlada talaabadaan ayaa muujineysa in Maamulka Xasan Gurgurte uu Boob iyo Naas nuujin ka wado Canshuurta laga qaado Shacbiga Gobolka Benadir.

Sidoo kale, muddo 15 maalmood ah lama qaadin Canshuurtii dowladda waxaana sabab u ah in Shirkadda lagu wareejiyay ee MGS awoodi weysay in ay howlgasho iyo in uu jiro khilaaf arrintaan ka dhashay, Dhawaan laga cafiyay deyntii lagu lahaa Dalka Somalia, iyadoo laga cabsi qabo talaabadaani ay ka hortimaado shuruudihii maareynta Maaliyada Dalka iyo Dakhliga uruurinta maadaama Shirkado gaar ah loo xiray, sidoo kalane akoono gaar ah u sameesteyn canshuurtii Muwaadiniinta Caasimada laga qaado.

301370cookie-checkMa Dhabaa In Canshuurtii Shacbiga Caasimada Laga Qaado Uruurinteeda Shirkad Lagu Wareejiyay..