UK oo soo saartay Digniino Amni oo ku wajahan Gobollo iyo Degaano gaar ah oo Kenya ka tirsan…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Boqortooyada UK ayaa soo saartay digniin Amni oo ku socota Muuwaadiniinteeda ku sugan Kenya, iyadoo kula talisay inay taxadar muujiyaan oo ay ka fogaadaan inay socdaalo ku tagaan Gobolo gaar ah oo ka tirsan dalka Kenya…

Wararka ayaa sheegaya in Cusboonaysiinta Digniintaan ee qaybta Argagixiso la dirirka ee UK, iyadoo loo sii marsiyay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka, iyo Horumarinta (FCDO), waxay ku talisay in Muwaadiniinta Britishka ah ay joojiyaan safarka aan muhiimka ahayn ee meelaha qaarkood ee Kenya, “Caymiska safarkaaga waa la burin karaa haddii aad u safarto si ka soo horjeeda talada FCDO,” Xafiisku ka digay.

Degaanada Digniinta laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Waqooyi-Bari Kenya oo Soomaalidu degan tahay, waxaana lagula taliyay Muwaadiniinta UK ineysan dhaafin Degaanada 60-KM u jirta Xuduuda Somalia iyo Kenya, 2-Dal ayaa muddo sanado ah la tacaalaya khatarta Kooxda Argagixisada Shababka, oo ah koox Islaami ah oo mintidiin ah oo muddo 15-sano ka badan, Dhaqdhaqaaqyada Howlgaleed ee kooxdaani ayaa sare u kacay Sanadihii ugu dambeeyay, taasoo sare u qaaday welwelka laga qabo Amaanka iyo Xasiloonida Gobolka.

Muwaadiniinta UK ayaa sidoo kale lagula taliyay iney ka fogaadaan safarka aan muhiimka ahayn ee Gobolka Lamu, marka laga reebo Jaziirada Lamu iyo Jaziirada Manda, Halka Digniinta safarka ee UK ayaa ku fidsan degmada Tana River, gaar ahaan degaanada waqooyiga ka xiga wabiga Tana iyo meel 15-km u jirta xeebta u dhaxaysa wabiga Tana iyo Galana (Athi-Galana-Sabaki).

301410cookie-checkUK oo soo saartay Digniino Amni oo ku wajahan Gobollo iyo Degaano gaar ah oo Kenya ka tirsan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com