Ma Dhabaa in Dani Culeys lagu Saaray inuu Isku Shandheyn ku sameeyo Golaha Maamulka Puntland..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Deni uu wado diyaarinta qorshe isku-shaandheyn ballaaran oo uu ku sameyn doono Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland, kadib markii uu ku fashilmay in degmooyin ka tirsan Gobolka Nugaal aan lagu qaban Doorashooyinka Degaanka & qodobo kale..

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Mr.Dani la filayaa inuu shaaca ka qaado Qorshahaan bishaan June, waxaana jira hadal-hayn ku aadan iney xilalka weyn doonaan tiro Wasiiro aad ugu dhowaa, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Wasiirka Waxbarashada, Cabdullaahi Xassan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Maxamed Libaaxe, Wasiirka Degaanka, Axmed Labayk, Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid iyo Xubno kale.

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Dhabancad ayaa kamid ah xubnaha la hadal-hayo in ay xilalka wayn doonaan, isagoo loo magacaabi doono La-taliye Madaxweyne ama mas’uuliyad kale kadib culays siyaasadeed oo uu kala kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha uu kasoo jeedo, taasoo sanadihii u dambeeyay ka dalbanaysay Siciid Deni cayrinta Ninkaan.

Deni oo muddo xileedkiisa uga harsan tahay wax ka yar 6-bilood ayaa muddo ku shaqeynaayay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho kafib markii ay Maleeshiyaad hubeysan ay fariisimo ka sameysteen gudaha magaalada Garoowe iyo daafaheeda ku qasbay inuu ka qaxo, Iyadoo lagu eedeeyo Wasiiradiisa iney yihiin Xubno aan saameyn ku laheyn Beelaha ay kasoo jeedaan iyo guud ahaan Degaanka Puntland.

260080cookie-checkMa Dhabaa in Dani Culeys lagu Saaray inuu Isku Shandheyn ku sameeyo Golaha Maamulka Puntland..