Xoogaga Amaanka ee Isticmaala Mukhaadaradka Oo Dhibaato ku haya Shacbiga Puntland..

Somalia news

Warbixino wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogaya in Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo ee Puntland ay Xoogag hubeysan oo ka tirsan Hey’adaha Amaanka Puntland oo isticmaala maandooriyaha khamriga iyo Xashiishka ay habeenadii fara kulul ku haya amniga Magaalooyinka kor ku xusan..

Wararka ayaa sheegaya in Rasaas xoogan ayaa laga maqlo xaafado kamid ah magaalooyinkaasi, waxaana wararku sheegayaan in ay ridayeen askar ka tirsan Xoogaga Amaanka Puntland oo isticmaalay maandooriyaha Khamriga, iyadoo la xaqiijiyay in Mandooriyayaasha laga keeno Dalka Etgiopia.

Rasaasta qaar ayaa gurya la degan yahay ku dhacday, isla markaana hurdada ka kicisay qoysas fiidkii seexday, inkastoo aan weli wax khasaare nafeed ah laga soo werin, Todobaadyo ka hor, xabbad wiifto ah oo la rumaysan yahay in ay rideen kooxaha sakhraansan ah ee Garoowe ayaa xilli habeen ah madaxa kaga dhacday gabar 14 jir oo gurigooda huruday.

Gabadha oo lagu magacaabo Isra Cabdirashiid Siciid ayay madaxa fariisatay xabadu, waxaana la sheegay in weli loo la’ yahay kharash lagaga soo saaro, maadaama ay dhaleen qoys danyar ah, Mas’uuliyiinta Maamulka Deni ayaa ku fashilmay inuu wax ka qabto dhibaatada kooxdaan.

303390cookie-checkXoogaga Amaanka ee Isticmaala Mukhaadaradka Oo Dhibaato ku haya Shacbiga Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com