Madaxweynaha Somalia Oo la Filaayo inuu Gaaro Magaalada London ee Boqortooyada UK..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in Horaanta Bisha May ee Sanadkaan uu tegi doono magaalada London ee Boqortooyada UK, Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi la socda, waxaana lagu wadaa inuu Kulamo la yeesho Madaxda Dalkaasi iyo Jaaliyadaha Soomaalida…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in 5-ta bisha May saacadu markey tahay xiliga Mogadishu 14,30-15,30, xarunta Chatham House, wax laga weydiin doonaa su’aalaad la xiriira Amniga Qaranka, Dagaalada kooxda Argagixisada, Deyn cafinta, iyo Dowlad wanaaga iyo Qodobo kale.

Su’aalaha la xiriira Amniga Qaranka waxaa ka mid ah laakiin aan ku koobnayn:

-Maamulka sidee ayuu u maareeyay colaada Magaalada Laas caanood, maxaase loogu fashilmay in la hirgeliyo Xabad joojin.
-Heshiisyada Qarsoodiga ah ee UAE uu la galay Baarlamaankana ma ka hor taagan in loo gudbiyo.
-Ma runbaa in Ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay qaarkood ka tageen shaqada kadib markii Xuquuqdoodii la duudsiiyay.
-Ma dhabaa in si khaldan loo Maareynaayo dagaalka lagula jiro kooxda Shabaabka iyo in 700- oo Ciidamo iyo Macawisley lagu dilay farsamo awgeed Gaadiid iyo Saanadba badan looga qabsadey.
-Maxaa horseeday in Xilalka Dowladda Jufooyin sad buursi loo siiyay halka kuwo kale la duudsiyay Matalaada.

Su’aalaha kale ee Mudnaanta u leh Qaranka

-Sida xil ka qaadista Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa ay khatar ugu keeni karto Deyn cafinta iyo Dhameystirka qeybaha lagama maarmaanka u ah Guddiga Garsoorka iyo Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

-Maxaa ka hortaagan Dowladda in laga guuro Nidaamka 4,5 ee ku saleysan in Oday dhaqameedyo Doorasho soo xulo, loona guuro matalaad Shacabi oo dhab ah.

-Sidee Wadooyinka Caasimada oo Isbaarooyinka lagu kala qoqobay looga qaadaa isla markaasna Sidee talaabo sharci looga qaadaa Saraakiisha dhaqaalaha loogu uruuriyo Isbaarooyinka, Shababkana loogu fududeeyaa iney si fudud uga soo gudbaan.

https://www.chathamhouse.org/events/all/research-event/securing-stability-horn-somalias-regional-priorities

253610cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo la Filaayo inuu Gaaro Magaalada London ee Boqortooyada UK..