Maxaa Xiligaan Keenay In Magacyada Qeybaha Ciidamada Loogu Magac daro Kuwa Carbeed…

Somalia news

Waxaa todobaadkii ugu dambeeyay xiisado xoogan ka tagnaa in Wasiirada Gaashandhiiga ay Magacayada Guutooyinka iyo Ururada Ciidamada loogu magac daro kuwa Carbeed, maxaase ka dhalan kara iyadoo talaabadani la sheegay iney noqon karo mashruuc loogu tuugsi doonto Dalalka Khaliijka….

Khabiirada taxliiliya Arrimaha Ciidamada ayaa ka digay in Guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo bixiyo Magacyada ay horey u adeegsadeen (Nome di guerra ) Horjoogayaasha kooxda Shabaabka Shacbigana lagu dhibaateeyay, warar aan la xaqiijin ayaa shregaya in guutada 28-aad ee XDS loo magacaabay guutada Abu-Cubeyda, Magacu maaha inuu ahaado magacyo dad kaliya, wuxuu noqon karaa astaamo gaar ah oo lagu garto ciidamadeena iyo waajibaadka ay qabtaan.

Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku guul daraystay inuu ogaado in Khaalid Bin Waliid iyo Cali Bin Abii Daalib aysan ahayn magacyada Amiirada kooxda argagixisada Shababka, hadii dib u milicsado sooyaalka taariikhdii Muslimiintii hore Xagga Abuu Cubeyda, waa run magacani waa magaca loo doortay Horjoogaha Kooxda Shababka ee hadda maamula, hase ahaatee waa magacii caanka ahaa ee Abaanduulihii ciidammada ee muslimiintii hore, kuna magac dheeraa Abaa cubayda caamir bin jaraax.

Maxaa Mas’uuliyiinta Dowladda u isticmaali la’yihiin magacyada Geesiyiinti iyo Halyeeyadii Soomaaliyeed ee Naftooda u huray Calanka iyo Ciida sida Geesiyadii Dagaaladii Xabashida iyo halgamayaashii caanka ahaa ee Xoriyadda Soomaaliyeed.

270750cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay In Magacyada Qeybaha Ciidamada Loogu Magac daro Kuwa Carbeed…