Sirdoonka Ethiopia oo Deeq Daawo soo Gaarsiyay Dhigooda NISA Somalia

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa safar qarsoodi ah uu maanta ku yimid Magaalada Mogadishu Madax-kuxigeenka Sirdoonka Ethiopia Sisay Tola iyo xubno kale oo Hey’adaasi ka tirsan, waxeyna ku gudoonsiiyeen Hey’adda NISA deeq daawo ah…

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalkaan Ethiopianka ah waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxa Sirdoonka Hey’adda Mahad Salaad iyo xubno kale, iyagoo la wareegay Deeqda Daawada, waxaana loo galbiyay Xarunta Hey’adda.

Sanadihii ugu dambeeyay Hey’adaha Sirdoonada Ethiopia iyo Somalia waxaa ka dhaxeeyay xiriir wada shaqeyn oo ku dhisan xog is dhaafsi iyo wada shaqayn taasoo horseeday inuu soo hagaago xiriirka labada Dal.

223060cookie-checkSirdoonka Ethiopia oo Deeq Daawo soo Gaarsiyay Dhigooda NISA Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com