Maamulka Hargeysa Oo Maleeshiyaad Xoojin ah ku Biiriyay Xiisad Colaadeed Oo Beelo u Dhaxeeya..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad colaadeed oo ka aloosan dhulka miyiga ah ee Dhaal-maygaag oo u dhexeeysa Degaannada Horufadhi iyo Qorilugud ee Gobolka Togdheer, Xiisadda oo ku salaysan muran dhuleed ayaa ka dhex taagan laba beelood oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo…

Wararka ayaa sheegay in colaada Labada beelood ee Degaanka oo dhawaan gacan ka hadal ku dhex maray ayaa sida wararku sheegayaan weli is hor-fadhiya, iyadoo laga daremay degasnadaasi dhaqdhaqaaqyo Makeeshiyaad oo ay labada dhinac ah wadaan, Msleeshiyo beeleed ka tirsan Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale ku soo biiray colaada taagan sida ay xaqiijinayaan xogo loo qaateen ah.

Maleeshiyada Maamulka Waqooyiga Dalka ayaa ku biirisay dhinac ka mid ah beelaha dagaallamay Makeeshiyaad xoojin ah iyo Gaadiid dagaal, waxaana la tilmaamay tallaabadaani ay uga sii daraysa xiisadda taagan, iyadoo loogu baaqay iney joojiyasn hurinta Colaada.

266400cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Maleeshiyaad Xoojin ah ku Biiriyay Xiisad Colaadeed Oo Beelo u Dhaxeeya..