Ma Dhabaa in Sarkaal Amni oo Puntland ka Tirsanaan jiray Lagu Eedeeyay Inuu yahay Daacishta Somalia..

Somalia news

Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ee Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda iyo ka hortagga maal-gelinta argagixisada (OFAC) ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo lagu sheegay in uu yahay Madaxa Xafiiska Maaliyadda ee Daacishta Somalia..

Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaalyahanada Ajaanibta ah, saadka iyo saanad uu u soo wakiishay Daacish-ta Somalia, Dhaqaalaha la qiyaasay ee u soo xarootay Sanadihii 2022 iyo 2021 ISIS-Somalia waxaa lagu qiyaasay 4.5-Millions oo US$, waxeyna ka aruuriyeen lacagaha baad ah oo ay ka qaadaan Ganacsiyada gudaha ee Puntland, kuwaasoo laga macaashay, Dhoofinya Xoolaha iyo Dalagyada Beeyada iyo Fooxa, sida ay sheegtay maaliyadda Mareykank.

Daacish-Somalia oo fadhigeedu yahay Buuraha Calmiskeed ayaa inta badan dakhligeeda kasoo xarooda lacagaha baad ah, iyagoo si gaar ah u bar-tilmaameedsada bulshada degaanka si ay dhaqaale uga helaan una maalgeliyaan iney qortaan Dhalinyarada degaanada iyo Qaxootiga Ethiopia ee ku sugan Gobolka Bari, iyadoo inta badan ay khatar geliya nolosha Ganacsatada iyo Qarabadooda.

Waa Kuma Cabdiwali Maxamed Yuusuf

Cabdiweli Maxamed Yuusuf Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la sheegay inuu dhashey sanadkii 1981, kuna dhashey uuna ka soo jeedo Gobolka Bari ee Somalia, waxaa la sheegaa inuu leeyahay laba magac oo kale oo loogu yeero sida (Ina Waran iyo Walaac), Dowladda Mareykanka waxey ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Daacishta Somalia, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale.

Maxay ka dhigan tahay eedeyntan?, Maamulka Puntland ayaa laga codsaday inay daba galaan cid kasta oo xiriir la leh kooxaha Argagixisada.

268660cookie-checkMa Dhabaa in Sarkaal Amni oo Puntland ka Tirsanaan jiray Lagu Eedeeyay Inuu yahay Daacishta Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com