Maxaa Laga Filan karaa Shirka uu ugu Baaqay Madaxweynaha Maamulada Gobolada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Madaxweynaha Dowlada Federaalka inuu ka qabsoomo 11-ka Bishaan magaalada Mogadishu, inkastoo shaki laga muujinaayo in qabsoomo Kulankaasi, Bacdamaa Maamulada Puntland & Konfur galbeed ay ka caga jiidayaan…

Wararka ayaa sheegaya in Labada Maamul ay doonayaan in shir ka hor ay heshiis hoose oo dantooda ah la gaaraan Madaxweynaha, waxeyna fahamsan yihiin in Madaxweynaha uu dhowaan u duuli doono magaalada New york si uu uga qeyb galo Kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee Sanadkaan oo lagu wado in Abaaraha & colaadaha Somalia looga hadlo.

Bahwadaagta Caalamiga ah ee Dalka Somalia ka taageerta Amaanka, ayaa dalbaday iney Dowlada Federaalka ay Hogaanka u qabato dagaalka kooxaha argagixisada si loo ciribtiro kooxahaan dhibaatada ku haya Shacibga Soomaaliyeed oo xiligaan Abaarta dalka ka jirta la halgamaaya ay ugu dareen iney Ceelasha & Baraagaha ka burburiyaan.

Dhanka kale waxaa maalintii shalay aheyd ugu furmay shir magaalada Muqdisho, Wasiirada wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo Wasaaradda Maaliyadda, Shirkaan ayaa loo qaybiyey laba weji, kan kowaad waxaa ka soo qaybgalay shaqaalaha wasaradaha sida agaasimayaasha, halka wejiga labaad ay isku hareen wasiirada dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka ee wasaaradda maaliyadda, waxaana la sheegay in lagu heshiin waayay

212080cookie-checkMaxaa Laga Filan karaa Shirka uu ugu Baaqay Madaxweynaha Maamulada Gobolada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com