Rektarka Jaamacada Oo Eersaday Dagaalkii uu La Galay Xubno Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq..

Somalia news

Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda, Prof Xasan Cumar Mahad-alla, ayaa sheegay sababtii xilka looga qaaday iney ahayd, dagaal uu kula jiray musuq maasuq ka dhex jiray jaamacadda Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in Xubno ka tirsan Ururo Diimeedka Damu jadiid ay ka dambeeyaan..

Prof Xasan Cumar Mahad alla, wuxuu wareysi uu bixiyay ku sheegay ka hor intii aanan xilka laga qaadin inuu xafiiska hanti dhowrka u gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo in baaritaan la galiyo jaamacadda Ummadda, Wuxuu sheegay shakhiyaad kamid ah masuuliyiinta jaamaccadda inay sameeyeen wax isdaba marin, “Dadkii aan kala dagaalamayay musuq maasuqa aan kala joogsiga lahayn, wallaahi waa joogaan, jaamacaddaasna iyagaa la dagaa dagaaya,” ayuu yiri Pro. Mahad-alla.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sanadihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen Ardayada dooneysa iney Jaamacadda Umadda wax ka bartaan, tani waxey soo de-dejisay in Mas’uulyiinta Jaamacada Simad ay cabasho ka muujiyaan ayna culeys Madaxtooyada ku saaraan in isbedel lagu sameeyo Gudoonka Jaamacada.
282290cookie-checkRektarka Jaamacada Oo Eersaday Dagaalkii uu La Galay Xubno Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq..