Madaxweynahu Miyuu Dhiig Cusub ku shubi karaa Dagaalka Kooxaha Argagixisada Mise…

Somalia news

Ku dhowaad 17-sano ayeey kooxaha argagixisada gaar ahaan Shabaabku waxey ku ahayeen mushkilad amni guud ee Dalka, qaar ka mid ah Wadamada dariska ah iyo guud ahaan Geeska Afrika ka aloosan, Daraasado ayaa waxey tilamaamayaan iney Maamul ahaan, Sirdoon ahaan iyo Iclaam ahaanba sii bullaalayaan, inkastoo degaano badan laga fara-maroojiyay….

Khuburada amniga sida ay sheegeen in Horjoogayaasha kooxda Shabaabku waxey ku faanaan in sida ay dejiyaan kaartada howl-galladeeda Somalia u fulaan ints badan, waxeyna sabab uga dhigeen siyaasadda ma dhaleyska ah ee aan is-baddelka lahayn ee Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Dowladaha dariska ah ku wajahaan dagaalka ka dhanka ah Kooxdaan xirrirka la leh Ururka Jahaad-doonka ah ee Al-Qaacida.

Maadaama Madaxweyne Xaan Sheekh uu goobjoog ahaa tan iyo soo if-bixii Kooxda argagixisada Shabaabka, si weyna uu uga dharagsan yahay howl-galladii ka dhanka ahaa tan iyo xilligaas, macquul ma tahay inuu muddo xileedkiisaan curdunka ah, dhiig cusub ku shubo siyaasadda Dowldda Soomaaliya ee ku aaddan himilada ah ka adkaanshaha Shabaab?.

Madaxwaynaha oo khudbo ku saabsan istaraatiijiyadda mustaqbalka Somalia shalay ka jeediyay dood uu soo qaban qaaban-qaabiyay mahcadka SETA ee dalka Turkiga, ayaa xusay in DFS aysan waqtigaan diyaar u ahayn wada-hadal lala galo Kooxda Shabaabka, wuxuuna ku dhawaaqay in istratejiyad Cusub lagu kordhin doono mid fikir, iyo mid dhaqaale.

DHAQAALAHA – Tan iyo markii ay hubka qaateen Kooxda Shabaabku waxay dhaqaalo mug leh ka uruuriyaan Ganacsatada, Shirkadaha iyo shacabka, ilaa ay gaareen in ay canshuuraan dekadaha dalka, wali lama kulmin siyaasad ku-dhac iyo dhiirrannaan leh oo ka dhan ah dhaqaale arruursigooda, in tubooyinka ay dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin laga xirayo waa qorshe iyo dhiig cusub.

FIKIRKA – Kooxdaan weli lama aysan kulmin loollan fikir diimeed oo barbar socda midka ay gudbinayaan, Hogaamiyayaasha Diinta xiligaan diyaar uma ahan iney runta ku wajahaan, warbaahintuna waqti ma galiso cabsi jirta awgeed, yeelkeede, hadalka MW Xasan ee ah dagaal fikradeed, wuxu wiiqi karaa awoodda kooxda, wuxuuna qeyb ka qaadan karaa cirib-tirkooda hadii loo fuliyo si daacad ku jirto.

Dareenka Shacbiga:– Shacbiga Soomaaliyeed oo muddo dheer afduub ahaan ay u heysteen Kooxaha Argagixisada, ayaa ka niyad jabay worshayaasha been abuurka ah Hogaamiyayaasha Siyaasada oo ay ku eedeeyaan ineysan waxba dhaamin kuwa argagixisada isla markaasna yihiin kuwa ka gaabiya Balanqaadyadooda xiliyada doorashada isla markaasna Isbaarooyin lagu ciqaabaayo Shacbiga dhigaan guud ahaan Dalka gaar ahaan Caasimada, waxeyna cod dheer ku dalabayaan Isbaarooyinka lagu dhibaateynaayo deg deg loo qaado maamulka cusubna uu dhiso Dowlad musuqa iyo maamul xumida la dagaalanta.

198950cookie-checkMadaxweynahu Miyuu Dhiig Cusub ku shubi karaa Dagaalka Kooxaha Argagixisada Mise…