Ma Dhabaa in France ay Hor istaagtay in Golaha Amaanka Kulan ka yeeshaan Xiisada Somalia/Ethiopia..

Somalia news

Warbixino wel wel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Dalka Fransiiska oo xiligaan meertada ah haya Gudoonka Golaha Amaanka ay is hortaageen codsi ay Dowlada Federaalka Somalia ku dalbatay in Kulan ay Golaha Amaanka ka yeeshaan Heshiiska ee Isafgaradka Xaraanta ah ee Ethiopian iyo Maamulka Somaliland dhul/Xeeb ugu saxiixday…

Iyadoo Dowlada Federaalka ayaa marar badan codsatay kulan deg deg ah oo lagu qabto UNSC si wax looga qabto xadgudubka Ethiopia, Faransiiska oo Gudoonka meertada Bishaan haya, Waxaana la xaqiijiyay in France ay Qandaraas ka qaadatay Ethiopia si ay Maraakiib dagaal u gado isla markaasna ay tababaro siiso Ciidamada Badda ee ku sugan Dekada Djibouti.

Iyadoo warar loo qaateen ah ay xaqiijinayaan Wafdi ka socda Baarlamaanka Faransiiska uuna Hogaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Mr.Thomas Gassilloud uu xiligaan ku sugan Addis Ababa si ay uga wada hadlaan in loo saxiixo Qandaraasyada lagu dhisaayo Dekeda (Lughaya) iyo Wadada ilaa Xadka Ethiopia.

302460cookie-checkMa Dhabaa in France ay Hor istaagtay in Golaha Amaanka Kulan ka yeeshaan Xiisada Somalia/Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com