Argagixisada Shababka Oo Ka Faa’ideysanaaya Hakadka Howlgalada Ciidamada Dowlada

Somalia news

Muddo bilo ah waxaa hakad ku jira Howlgaladii Ciidamada Dowladda, iyadoo hakadkaani uu sameyn ku yeeshay Wajiga 2-aad ee Howlgalkaan, waxeyna kooxda Argagixisada bilaabeen iney ka faa’iideystaan Weeraro joogto noqday ku qaadaan Hoteelada iyo isku dirka, dib u soo nooleyn Dagaalada Beelaha si hoose u wadaan abaabulkooda…

Kooxdaan ayaa la sheegay iney aad uga faa’iidetsteen Hakadka Howlgalada, iyagoo dardar geliyay howlgalada ee lagu beegsanaayo Goobaha Rayidka, Xarumaha, Saldhigyada Ciidamada iyo isku dirka Beelaha, waxaana ilaa xalay Saq dhexe dagaal ka socdaa Degmada Baraawe, kadib markii 100-Askari oo Maamulka Konfur galbeed ay si bareer ah ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, dagaslkaan ayaa dhaliyay Khasaare iyo Barakac, waxaana ku baxay Taliyaha Ciidamada Dowladda.

Xeeldheerayaasha Amaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Hogaanka Soyaasada uu fahamkoodu xagga Amaanka uu hooseeyo iyo qorshayaasha guracan ee Kooxdani ay ka dhigan tahay iney dooneyso iney ka faa’iideysato Hakadka Howlgalada ee cadaadiska lagu saaray, kooxda ayaa sidoo kale kordhiyay Dilalka Qorsheysan iyo Guryaha Miinooyinka lagu xiraayo oo ay ku nool yihiin Saraakiisha Dowladda.

Hogaanka Hey’adaha Amaanka ayaa lagu eedeeyay iney ku kufeen Howlaha loo igmaday, iyadoo Weerarada Hoteelada Pearl Beach iyo Villa Rays iyo kuwo ay muujinayaan in Xulashada Kaadiriinta Kooxda aan khibrada laheyn ee Madaxweynaha ay muujineyso inuusan dan ka laheyn dhibaatada iyo weerarada joogtada noqday ee kooxdu ku heyso Goobaha Rayidka isugu yimaadaan & in Maamulkiisu uusan qaamuuskiisu dhigeynin Isla Xisaabtan.

260570cookie-checkArgagixisada Shababka Oo Ka Faa’ideysanaaya Hakadka Howlgalada Ciidamada Dowlada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com