Shababka Oo Qabasaday Degaanada Aw-dheegle & Bariire

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ah ayaa laga helayaa Dagaalo qaraar oo xalay oo dhan ka socday Degaanada Aw-dheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo la sheegay inuu dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Shababka….

Dadka deegaanka ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in salaadda subax kadib ay maqleen qarxyo, waxaana xigay rasaas toos ah oo dhowr jiho ka dhaceyso, inkasta oo ay ku sugnaayeen guryahooda balse waxa tilmaameen in ay maqlayeen hub ka dhacayay qoryo kala duwan.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay dib ugu soo gurteen Degmada Afgooye, iyadoo la sheegay in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay degaanada Aw-dheegle iyo Bariire, waxaana gacanta ku haya Maleeshiyaadka kooxda Shababka.

Tan iyo markii ay ka soo baxeen Ciidamada Amisom Degmada Afgooye Waxaa laga deyrinaayay xaalad amaan Ee Degmada Afgooye iyo Degaanada ku xeeran, iyadoo Ciidamada Dowladda la sheegay iney dhaafsiisneyn Kontaroolada Degmada Afgooye.

Dhanka kale Ciidamo Kolonyo Amisom ah ayaa waxey dulmareen Mooto Bajaaj Isgoyska Degmada Howlwadaag waxaana ku geeriyooday 3-qof oo mootada saarnaa.

107450cookie-checkShababka Oo Qabasaday Degaanada Aw-dheegle & Bariire