Ciidamada Ethiopia oo Lagu Eedeeyay Dilalka Hal-Doorka Bulshada, Xasuuq iyo Barakicin..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Amxaarada ee Ethiopia ayaa tilmaamaya in Ciidamada Ethiopia ee dagaalka kula jira Xoogaga Fano ee Amxaarada lagu eedeeyay iney ugaarsi ku hayaan Hal-doorka Bulshada, Barakicin iyo Xasuuq Dadka Rayidka ah ee ku nool Gobolkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidmada Ethiopia ee u badan Qabiilka Oromada (Oromuumaa), ayaa si bareer ah ugu toogteen kuna dileen Dhakhtarad ku takhasuustay Maqaarka oo ka howlgalaysay isbitaalka Debere Markos ee gobolka Amxaarada, magaceedana lagu sheegay Dr. Elizabeth Teshome, isla magaalada Debere Markos Aagga Gojjam, Waxeyna Shacbiga Gobolkaasi ka codsadeen Hey’adaha Xuquuqul insaanka iney baaris ku sameeyaan Ugaarsiga lagu hayo Dadka Biri-ma-geydada ah.

Dhinaca kale, In ka badan 50,000 Shacbi ah ayaa ku barakacay gudaha Dalkaasi sababo la xiriira dagaalada sii xoogeysanaaya ee ka socda ka Waqooyiga Dalka Ethiopia, waxeyna Beesha Caalamka ka muuujineysaa walaac xoogan oo ku saabsan rabshadaha ay qeybta ka yihiin dagaalada u dhaxeeya Ciidamada iyo Xoogaga Fano ee Amxaarada, iyagoo ugu baaqay Xabad joojin deg deg ah iyo wada hadal.

323140cookie-checkCiidamada Ethiopia oo Lagu Eedeeyay Dilalka Hal-Doorka Bulshada, Xasuuq iyo Barakicin..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *