Dadka Soomaaliyeed ee Qaatay Talaalka Covid-19 ayaa gaaray 10% Tirada Guud

Health Somalia news

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa la sheegay inta qaadatay Talalka Covid-19 ay tiradoodu gaartay boqolkiiba 10, taasoo macnaheedu yahay in Dalku uusan ku jirin tirada waddamada ugu yar ee tallaalka laga fuliyey, sida lagu yiri warbixin ka soo baxdey Gavi.org..

Tallaalka Covid-19 ayaa ka bilowdey Soomaaliya bishii Maarso 2021, markii la gaarsiiyey 300,000 oo dhibcood oo tallaalka ah oo ka yimid xarunta COVAX, waxay Dalka uu biloowday tallaalka Covid-19 bishii Maarso 2021, Talaalkaan ayaa Somalia ku heshey deeq ahaan, waxaana in badan talaalku ku xumaadey meelaha lagu kaydiyo kadib markii dadku u qaadan waayey sida loogu tala galay.

Tirada guud dadka qaatay talaalka ayaa lagu qiyaasay iney gaarayaan 1.4 milyan oo Qof, Waxaa weli jirta khatarta Covid-19, iyadoo dhowaan laga helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isagoo hadda ka bogsoodey.

197870cookie-checkDadka Soomaaliyeed ee Qaatay Talaalka Covid-19 ayaa gaaray 10% Tirada Guud