Nin Mareykanka u Dhashay Oo Laga Qabtay Magaalada Nairobi Isagoo Qorsheynaayay inuu Xadka ka Talaabo..

Africa News

Iyadoo ay aad u korortay Carada Xasuuqa iyo tacadiyada ay Ciidamada Isreal ku hayaan Shucuubta magaalada Gaza iyo guud Dhulka Falastin, ayaa Saraakisha Hey’adaha Amaanka USA ayaa waxey xireen Nin kasoo jeeda Magaalada New Jersey, Mareykanka kaasoo lagu eedeeyay inuu ku biiri rabay Kooxda Argagixisada Shababka..

Wararka ayaa sheegata in Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Karrem Nasr ayaa lagu xiray Kenya waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayay caawinta Al-Shabaab, sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, iyadoo muddo ay ku raad joogeen Ninkaan ayaa wuxuuna aaday Masar bishii July sanadkaan, halka Bishaan 14-keedii ayuu magaalada Nairobi lagu xiray isagoo Khamiistii loo qaaday Mareykanka, sida lagu sheegay war shalay kasoo baxay Waaxda Baarista FBI.

Ninkaan 23-jirka ah ayaa lagu eedeeyay “isku dayga inuu taageero u fidiyo kooxda Shabaabka,” dembigan oo uu ku muteysan karo 20 sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu, Mareykanka ayaa kooxdaani ay u aqoonsan “urur argagixiso oo ajnabi ah”, Saraakisha Baarista ayaa sheegay in Ninkaan uu doonayay inuu Tababaro ku soo qaata Konfurta Somalia.

297110cookie-checkNin Mareykanka u Dhashay Oo Laga Qabtay Magaalada Nairobi Isagoo Qorsheynaayay inuu Xadka ka Talaabo..