Ma Dhabaa in Heshiis laga Gaaray Khilaafkii Shaqsiga ahaa ee u Dhaxeeyay Xasan Sheekh & Deni..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in kadib markii uu Madaxweynaha ka qeyb galay xafladii caleemo saarka Puntland, ay yeesheen Kulan gaaban Labada Mas’uul waxeyna isku afgarteen in la wada shaqeeyo, waxaana ka soo shaqeeyay UAE, iyadoo sidoo kale Hogaamiyaha Darood ee Kulamada loo xushay Ra’iisul wasaaraha..

Xogtaan ayaa sheegtay iney jiri doonaan kulamo ay wada yeelaanayaan Saraakiisha Puntland iyo Dowlada Federaalka oo looga xaajoon doono khilaafka jira sidii xal looga gaari lahaa, Kulamadaasi MW Deni, wuxuu soo jeediyay in Hogaamiyaha Beesha Daarood er Siyaasada loo xusho Wasiirka 1-aad Mr.Xamse lana siiyay doorka Saxiixa, iyadoo Mr.Deni loo balanqaaday in 10-Millions US$ ah la siin doono Qarashaadka uga baxay Doorashada.

Dhanka kale, Waxaa lagu wadaa in isku shaandheyn lagu samayn doonaa Golaha Wasiirada Fedaraalka oo lala sugayay Doorashadii Puntland, Deni la siiyay inuu soo xusho tiro yar oo Wasiiro ah, iyadoo lagu heshiiyay in jagada Wasiirka Arimaha Dibada ee haatan banaan ee lala sugayay Doorashada PL lagu badalo Wasiirka Maaliyada oo loo dhiibo Shaqsi ka yimid dhanka Deni.

304770cookie-checkMa Dhabaa in Heshiis laga Gaaray Khilaafkii Shaqsiga ahaa ee u Dhaxeeyay Xasan Sheekh & Deni..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com