Deni Oo Maleeshiyaadka Mucaaradka Hubeysan Ee Beesha Ciise Maxamuud Heshiis la Gaaray…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ka dhacay Hoyga Senator Cabdiraxmaan Faroole ee magaalada Garoowe ayna ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Puntland (Deni) iyo Horgalaha Maleeshiyaadka Beesha Ciise Maxamuud Jimcaale Jaamac Takar xalay kaasoo qaadat saacado lagu falanqeeyay sidii loo heshiis lahaa…

Kulankaan ayaa lagu falaneeyay tabashada Maleeshiyaadka Beesha oo dagaal khasaaro geystay la galeen Maleeshiyadka PMPC ee Puntland, ayaa sida la xaqiijinayo ugu dambayntii lagu soo af jaray khilaafkii Maamulka Deni iyo Maleeshiyadka Danab ee uu Horgalaha Jimcaale yahay, Xiisadaan ayaa soo taagneyd 2-sano ee u dambeysa, taasoo horseeday in magaalada Aagag dagaal ka dhigeen.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga la magac baxay Danab lagu soo celinayo xayndaabka Maamulka Puntland loona ogolaaday xuquuqdoodii ka maqneyd, Labada dhinac ayaa ku ballamay in heshiiska la fuliyo Todobaadkan gudihiisa, isla markaana Deni uu booqdo Taliska Ligle ee Maleeshiyaadka Danab, halkaasoo uu kula hadli doono Maleeshiyaadka hubeysan.

304720cookie-checkDeni Oo Maleeshiyaadka Mucaaradka Hubeysan Ee Beesha Ciise Maxamuud Heshiis la Gaaray…