Madaxtooyada Somalia Oo Lagu Eedeeyay Farsameynta Dukumentiyada Been Abuurka

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada Somalia ay isku bedeshay xarun lagu farsameeyo Dukumentiyada been abuurka ah, sida laga soo xigtay ilo loo qaateen ah, Dhaqankaan oo laga dhaxlay Kali-taliyihii Siyaad Barre….

Warbixtaan ayaa lagu sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay Xafiiska Madaxweynaha ee muddo xileedkiisu dhamaaday uu soo saaray 2-qoraal oo uu ku magacaabay Xubnaha ka mid noqonaaya Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo 7-xubnood oo ka mid noqonaaya Golaha Adeega Garsoorka.

Sidoo kale waxaa si ka fiirsi laheyn loo magacaabaya Xilal Wasaaraha, Wakaaladaha Dowlada, waxaanase ka marneyn Darajooyinka Ciidamada Qalabka sida, iyadoo xubno badan oo Beesha Madaxweynaha la isku daray Magacaabis Xilal Dalacsiin derejo.

Khabiirka Arrimaha gudaha iyo Amaanka Prof.Kabire, ayaa sheegay in dhaqan xun uu noqday in Maammlkii Muddo xileedkiisu dhamaado uu ku dhaqaaqo Talaabooyin Sharciga iyo Daatuurka ka baxsan, waana talaabo Mas’uuliyo darro ah inuu Madaxweyne Wakhtigiisa dhamaaday uu soo Dijereetoyin Tariikhdoodu dib loo dhigay, waxeyna horseedi kartaa Amni, Xasilooni darro iyo Qalalaase Dastuuri ah.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray Qoraal ay ku cambaareynayaan howlaha Sharci darrada ah oo laga sameynaayo Xarunta Madaxtooyada, waxeyna ay sheegeen ineysan aqoonsaneyn qoraalada la soo saaray wixii ka dambeeyay 8-da February 2021.

95420cookie-checkMadaxtooyada Somalia Oo Lagu Eedeeyay Farsameynta Dukumentiyada Been Abuurka