USA & Europe oo Ku Fashilmay Kulankii Golaha Amaanka ee Dagaalada Dalka Ukraine

U.S. World

Kulan adag oo xalay ay yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku saabsana Doorashada iyo ku biritaanka Dalka Russia 4-Gobol oo ka tirsan Dalka Ukraine, iyadoo qararkaan ay soo diyaarisay isla shalay Danjiraha USA Mrs.Linda Thomas-Greenfield…

Danjiraha Russia ayaa u adeegasaday Diidmada Qayaxan (Veto power) Qararkaasi, si u jebiyo Qararka Qabyada ah oo Dalalka Reer galbeedka doonaayeen in lagu dhaleeceeyo qabsashada Dhulka Ukraine looguna baaqo iney Ciidamadooda kala baxaan Dalkaasi, waxaase ka aamusay Qararkaasi Dalalka China India, Gabon iyo Brazil, talaabadaan ayaa ka dhigan iney qadiyada dhexdhexaad ka noqdeen, waxaana u codeeyay 10-Dal.

Sanadahaan dambe waxaa si cad u soo shaac baxaayay Siyaasad xumida USA iyo dalalka Reer gapbeedka kuwaasoo 40-kii sano ee u dambeysay dagaalo ku burburiyay Dowlado dhisnaa oo ka soo horjeeday aragtitooda siyaasadeed iyo dhaqaale, Xiligaan waxaa muuqata in dhamaad uu ku dhow yahay Saameyntii Mareykanka ee Aduunka.

216470cookie-checkUSA & Europe oo Ku Fashilmay Kulankii Golaha Amaanka ee Dagaalada Dalka Ukraine
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com