Ma Dhabaa In Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhex Galay Laamaha Sharci Dejinta & Garsoorka

Somalia news

Waxaa ka dhex qarxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer-ilaaliyaha guud oo dhinac ah iyo Guddiga Baraalamaanka ee Garsoorka, Arimaaha Diinta iyo Cadaaladda kaasoo u xuub-siibtay Mooshin dib u eegis xil oo Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka loo gudbiyey…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Guddiga ay dhowr jeer u direen Barwo ama u yeeris Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud si wax looga waydiiyo Arimaha Garsoorka, dhinaca Gudomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer-ilaaliyaha ayaa iska diiday iney hortagaan Guddiga Baarlamaanka, iyagoo caddeeyay iney Laba Laamood oo kala madax banaan yihiin.

Horey ayaa waxaa Madaxwaynaha loogu gudbiyey Cabashooyin ay qoreen Garsoorayaal, ku xigeeno Xeer-ilaaliyaha guud oo ka dhan ahaa Go’aanno isku shaandhayn ah, shaqo joojin iyo soo koobis Maxkamado iyadoo Garyaqaanka guud uu ku tilmaamay go’aannadaas kuwo aan sharci ahayn, islamarkaasna ah ku tafri fal awoodeed.

Guddiga Baarlamaanka ee arrimaha Garsoorka ayaa mooshin ka dhan ah, Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud ku hayo gacanta, kaasoo lagu wado in loo gudbiyo Guddiga joogtada ah, talaabadaan ayaa noqoneysa mid ugub ah khilaafka 3-da Laamood ee Dowladda ku dhisan tahay 2-ka mid ah.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Kooxaha Damul-jadiid iyo Daljir ayaa la aaminsan yahay in qorsheynayaan iney soo magacaabaan ka hor 15 May Gudoomiyaha Maxkamad sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud oo u ah muhiim ah howlaha Doorashooyinka, muddo kordhinta, iyadoo Xafiska Xeer-ilaaalinta loo adeegsan doona in musharixiinta qaar loo bar-baaro dambiyo.

246280cookie-checkMa Dhabaa In Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhex Galay Laamaha Sharci Dejinta & Garsoorka