Ma Laga yabaa in Is-Qabqabsiga Siyaasiyiinta & Dhaqaale La’aanta ay dib u Dhac ku Keento Gulufka Dagaalada

Somalia news

Muddo bilo ah Waxaa weeraro ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug oo kaashanaaya kuwa degaanka iyo xulafada Shisheeye ku qaadeen kooxda Shababka ayaa horseeday in degaano badan laga xoreeyo…

Inkastoo dhinacyadaan is-biirsaday ay guulo ku talaabsadeen hadana waxaa shaki laga muujiyay is-qabqabsiga kooxaha siyaasada meherada ka dhigtay, kuwaasoo khilaafkooda wiiqi kara horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada.

Maamulka Deni ee wakhtigiisu gabaabsiga yahay oo qoraal uu doo saaray todobaadkii tagay ku sheegay inuu hakiyay wada shaqeyntii uu la lahaa Dowlada Federaalka isla markaasna si madax banaan isku maamuli doono inta laga dhameystiraayo Qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah.

Prof.Kabire oo ah Khabiir ku xeel dheer arrimaha gudaha ayaa ka digay in khilaafaadka muuqda iyo kuwa qarsoon ay caqabado ku noqon karaan Ololaha, Gulufka iyo Dadaalada Amniga ee socda, waxeyna kala qeybsanaan ku keeni karaan Shacbiga Soomaaliyeed oo xiligaan u ooman Nidaam Dowladeed oo cadaalad ku dhisan.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Gulufka ka dhanka ah kooxda Argagixisada Shababka uu gaabis ku yimid todobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo lagu sababeeyay Dhaqaale la’aan, Maamulka Villa Somalia ay ka uruurineyso teegeero dhaqaale Shirkadaha, Ganacsatada iyo Daneeyayaasha Somalia, wuxuuna dib u dhacaani isbaaro u yahay “Daahfurka Kacdoonka Shacbiga magaalada Mogadishu ay Dowladu ku dhawaaqday.

237010cookie-checkMa Laga yabaa in Is-Qabqabsiga Siyaasiyiinta & Dhaqaale La’aanta ay dib u Dhac ku Keento Gulufka Dagaalada