Digniino Hordhac ah oo Hawada loo Mariyay Gudoonka & Xildhibaanada Puntland..

Somalia news

Mid ka mid ah Xisbiyada Siyaasada ee ka dhisan degaanada Puntland ayaa digniin hawada u mariyay Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland, iyagoo loo sheegay ineysan qeyb ka noqon hanaanka demuqaraadiyada dhinac ka raran ee Doorashooyinka Puntland oo muranka dhaliyay…

Fariintaan (Qoraalka) ayaa xambaarsan inuu Goluhu uusan taageero u muujin “Hanaanka demuqaraadiyada ee Qofeysan”, waxeyna ka digeen in Hirgelinta hanaankaan dano laga leeyahay isla markaasna laga leexiyay marinkiisii, waxeyna ku celiyeen Ururka Dhalinyarada ineysan qeyb ka aheyn qabanqaabada Doorashada Golayaasha Degaanka (Eeg lifaaqa).

Mr.Deni ayaa muddo bil ah ka maqan Maamulka Puntland wuxuuna dalxiis ku joogaa magaalada Dubai ee UAE, wuxuuna ku madhquulsan yahay sidii uu dhaqaale uga heli lahaa Dowladda Imaaraadka, iyadoo la xasuusan yahay in Shaqaalaha Rayidka iyo Hey’adaha Amaanka Puntland aysan qaadan gunooyin muddi 5-bilood ah.

251570cookie-checkDigniino Hordhac ah oo Hawada loo Mariyay Gudoonka & Xildhibaanada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com