Meertada 90-aad ee Shirweynaha Boliiska Aduunka Oo Ka Furmay Magaalada New Delhi

World

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa magaalada New Delhi ee Dalka India kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Boliiska Adduunka ee INTERPOL….

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidamada Boliiska, Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165-Dal ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Iyadoo Shirkaan looga hadli doonaa ka hortagga dembiyada abaabulan ee Maaliyadeed ee caalamiga ah, wax-ka-qabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga Dembiyada xuduudaha isaga gudba, noocyada Mandooriyaha iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaasoo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan Amniga Caalamka.

219520cookie-checkMeertada 90-aad ee Shirweynaha Boliiska Aduunka Oo Ka Furmay Magaalada New Delhi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com