Weerarkii Xerada Gordon oo Banaanka Keenay Ciladaha Amni & Dib u Dhiska Ciidamada…

Somalia news

Kadib weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay Xerada Ciidamada Gordon wuxuu dhaliyay in Su’aalo laga keeno Nidaamka Tababarada Ciidamada Dalka & in dareen cabsi leh uu ku abuuro Tababarayaasha Ajaaniibta ee Dalalka ka taageera Somalia dib u dhiska Ciidamada Amniga Dalka…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Somalia ayaa aaminsan in dhacdadaan lagu dilay 4-Sarkaal ee u Dhalatay UAE iyo midka Baxreyn uu daaha ka roogaya inuu weli jiro isku milanka iyo Xiriirka ka dhaxeeya kooxda Argagixisada Shababka, Maamulkii Farmaajo iyo kan Xasan Sheekh, iyadoo ay marqaati ma doonto tahay in meelaha ay galayaan dhagar qabayaasha loo fududeeyay isla markaasna muddo la suuxiyay (Cel-Sleep).

Maamulada talada Dalka la wareega waxey dhaqan ka dhigteen iney wakhti badan ku bixiyaan sidii Taageerayaashoodu Xilalka Muhiimka ah ugu tixi lahaayeen, balse waxey iska indhatirayaan Adeegayaasha qarsoon oo geysan kara waxyeelada noocaan oo kale ah ama tii ka dhacday Magaalada Bosaaso ee lagu dilay Madaxii DP World ee xiligii Farmaajo.

Ku darsoo Waxaa xaqiiqo ah in Nidaamka Qorista Ciidamada Dowlada u hareeyay Habacsanaan, Musuqmaasuq iyo hab ku dhisan Qabiil, iyadoo inta badan qorista Askarta waxaa damiinta Xildhibaan iyo Oday Dhaqameed, mana jirto baaris lagu sameeyo Askariga marka la qoraayo si loo helo xaqiiqooyin sax oo ku saabsan nolashiisa iyo Fikirkiisa, waxaa kaloo dood ka taagan tahay in Macallimiinta Ajaaniibta ah maxey Macallim Soomaali oo tiro badan u tababari waayeen halka ay toos Askarta u tababarayaan.

Bishii Luuliyo 2023-kii ayaa Nin Xiran Dareeska Ciidamada isku qarxiyay Ciidamo lagu tababaraayay Ex Kuliyadii Ciidamada ee Magaalada Mogadishu, kaasoo galaaftay nolosha 25-Askari halka 70-kalena uu dhaawacay, kooxda Argagixisada ayaa sheegtay, ayaan darro Dowlada ma ayaan bixin Macluumaad la xiriira sida uu Nafti-haligahaan ku soo galay Xerada, waxaa kaloo isweydiin mudan in Ciidamada loo oggolaado iney Hubkooda iyo rasaastooda heystaan.

Shisheeye Soo Duulay

Weerarda noocaan oo kale ah Kooxda Argagixisada ayaa faa’iido u ah maxaa yeelay waxey Dhalinyarada la marin habaabiyay ja ibinayaan iney Shiisheeye Dalka ku soo duuleen, talabaadaan ayaa kordhineysa in dhalinyaro badan oo shaqo la’aan heysata ku biiraan kooxda isla markaaana uu kordho dhakhliga baada ah ee qaadaan, iyadoo hal howlgal ay ku khaarijiyeen Madaxii Sirdoonka & Ciidamada Calooshood u shaqeystayaasha ee ka howlgala Somalia & Yemen.

Kooxda Argagixisada Shababka oo la yaqiinsan yahay iney ka xuuraan fiican tahay kuwa Dowladda, iyagoo adeegsada xeelado badan oo weerarada ku fuliso, waxeyna gacan ka helaan adeegayaal ugu jira Laamaha kala duwan ee Dowladda oo u fududeeya qorshahooda, isku milanka Kooxda iyo Hey’adaha Amniga ayaa qeyb weyn ka qaata amni darrada, mana dhamaanaayo rabshadaha kooxda inta ay qeyb daacad u ah ku jiraan Dowladda Federaalka.

307900cookie-checkWeerarkii Xerada Gordon oo Banaanka Keenay Ciladaha Amni & Dib u Dhiska Ciidamada…