Xoogaga Macawisleyda Gobolka Hiiraan oo Xirtay Wadooyinka Bedelweyne & Sababta…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Dadka ku dhaqan magaalada ayaa saakay kusoo tooseen Ciidamo aad u farabadan oo xiray isku socodka wadada ugu muhiimsan Baledweyne, Xoogagaan ayaa la sheegay iney ka tirsan yihiin Macawisleyda..

Xoogagaan ayaa xirtay wadada laamiga ah ee Halbowlaha u ah isku socodka guud ee gudaha Baledweyne ilaa garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay iney cabasho ka yihiin xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Cali Jeyte oo xalay wiifto saq dhexe socota xilka looga xayuubiyay.

Majirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan oo ku aadan xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ha yeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda uu arinkaasi ka hadlo Jeyte.

Gudoomiyahaan ayaa ah shaqsi lagu xasuusto doorkii weyna uu kasoo qaatay wajiga 1-aad ee howlgaladii ka dhanka ahaa kooxda argagixisada shabaabka ee looga saaray kooxda guud ahaan Bariga Gobolka Hiiraan, islamarkaana ku faafay inta badan ee Gobolada Dalka.

261530cookie-checkXoogaga Macawisleyda Gobolka Hiiraan oo Xirtay Wadooyinka Bedelweyne & Sababta…