Ma Dhabaa In Laga Heshiiyay Kiiskii Badda Ee Somalia-Kenya

Somalia news

Warar aan la xaqiijin oo laga helay Magaalada Mogadishu iyo Nairobi ayaa tilmaamaya in Heshiis hordhaca ah oo ay soo diyaariyeen Dowladda Qatar laga gaaray dacwadii Badda ee u dhaxeysay Somalia iyo Kenya ee go’aankeeda laga sugaayay Maxkamada ICJ dhamaadka Sanadkaan…

Wararka an Ayaa tilmaamaya in Ergayga gaarka ah ee Qatar u soo dirtay Somalia iyo Keyna Mutlaq Al-Qaxdaani uu ku qanciyay Farmaajo in khilaafka xadka Badda ee Somalia kala dhexeeya Kenya lagu dhameeyo wadahadal! taasoo loo fasiran karo in Kiiska kaga saaro Maxkamadda ICJ laguna xalliyo meel kabaxsan Maxkamadda.

Sida uu yahay Qorshaha dhexdhexaadinta ee Qatar Madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia ayaa May-21 waxa ay booqasho ku tegeyaan  Dooxa si ay u saxiixaan heshiiska dib uga noqoshada Somalia ee dacwadda Badda, iyada oo uu damiin ka yahay amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad Al-thani.

Talaabadaan ayaa muujineysa in Ergayga Qatar ay u soo dirtay Somalia uu u xilsaarnaa howlo ka baaxaad weyn xal u helidda muranka doorashada, isla markaana uu lahaa howlgal salka ku haya muranka Kenya gelisay Badda Somalia iyada oo ergeyga Qatar Mutlaq Al-Qaxdaani  uu hoosta ku watay kuna qarsanayey Arrin la xiriirta baarista Batroolka.

Qatar Petroleum ayaa shirkadda shidaalka baarta ee ENI oo laga leeyahay Talyaaniga waxa ay ka iibsatay 25% oo kamid ah saddex Baloog oo  kamid ah Badda  Soomaaliya,  diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa ku sheegay in xiriirka Qatar Petroleum kala dhexeeya ENI uu yahay sababta Qatar soo gelisay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiskan oo la saxiixay July 2019 ayaa lagu sheegay in bedka shidaalka laga baarayo uu yahay 15,000 oo kiiloomitir oo hoos u dherersan 1000-3000 oo Mitir oo kamid ah ayaa ku teedsan xeebaha Lamu ee Kenya, Tilmaantan ayaa xaqiijineysa in shirkadda shidaalka Qatar ay iibsatay saami kamid ah Badda shidaalka laga baaro oo ay Soomaaliya leedahay.

117380cookie-checkMa Dhabaa In Laga Heshiiyay Kiiskii Badda Ee Somalia-Kenya