Ma Dhabaa in Barakac uu Sababay Cabsida Dagaal ka jirta Magaalada Garoowe..

Uncategorized

Warar dhiilo colaadeed xambaarsan iyo qax ayaa xalay laga dareemay magaalada Garoowe kagob markii Xoogaga taabacsan Kooxaha mucaaradka ay tijaabiyeen fiidnimadii mid kamid ah qoryaha culus ee lidka Diyaaradaha, taasoo la qaatay baaq la xiriira jiritaanka xaalad dagaal iyo Mr.Dani oo degay Xerada Ciidamada ee 54-aad…

Cabsida dagaal iyo Barakac xoogan ayaa laga dareemay ka socona magaalada Garoowe, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar sheegaya in Baarlamaanka Puntland qorsheynayaan meelmarinta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland, iyadoo Guddiga Amniga Gobolka Nugaal uu beeniyay wararka sheegaya in dagaal ka dhici doono magaalada, iyagoo ugu baaqay shacabka iney is dajiyaan.

MAXAA KA SOCDA GAROOWE ?

Isimadda Dhaqanka Puntland ayaa kulamo aan loo kala kicin maalmihii ugu dambeeyay ku lahaa magaalada Garoowe, kuwaasoo ay xal ugu raadinayaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Garoowe, iyadoo magaalada ka dhacern dagaal ka dhashay Muranka Siyaasada ee la xiriiray xukunka ayaa waxaa sal u ahaa isimadda Puntland oo ku kala jabay xal u helida xiisadii la xiriirtay doorashada Madaxtooyada, lana kala saftay siyaasiyiintii mandiqada ee xilligaas is hayay.

Xogo loo qaateen ayaa sheegay in qodobada hoosta ku xusan ay dood adag ka dhasheen laakiin laga yaabo iney Maamulka iyo Mucaaradka isla qaateen ugu dambeyn, inkasta oo Isimadu aysan weli soo gudbin waxaana ka mid ah:-

  • In Dastuurka la furo ururada siyaasadda la badiyo, lana gaarsiiyo ilaa 9 urur siyaasadeed
  • In Doorashada Madaxweynuhu ay ku dhacdo xiligeedi 8 Janaayo 2024
  • In doorashada lagu galo nidaamka xisbiyada.
  • In Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa lagu doorto Baarlamaanka dhexdiisa sida hadda uu qabo dastuurku.
267970cookie-checkMa Dhabaa in Barakac uu Sababay Cabsida Dagaal ka jirta Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com