Maraykanka iyo UK oo ka digay “khatar ka soo fool leh” Shiinaha 

World

Mas’uuliyiinta Laamaha Amaanka ee Maraykanka iyo UK ayaa si aan horay looga baran oo wadajir ah u wada qabtay War-saxaafadeed iyagoo uga hadlay wax ay ku tilmaameen khatar dhinacyo badan leh oo ka imanaysa Dalka Shiinaha, wareysigaan ayaa lagu tilmaamay mid u muuqda in Saameyntoodii Aduunka uu gabaabsi yahay…

Agaasimaha Hay’adda FBI, Christopher Wray, ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay khatarta ugu weyn ee labada Dal ay wajahayaan xiligaan, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay waddo faro-gelin siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Ken McCallum oo madax u ah hay’adda MI5 ee UK ayaa sheegay inay saddexdii sano ee la soo dhaafay labalaabeen ka hortagga isbalaarina falal Shiinaha uu wado. 

Christopher Wray ayaa shirka jaraa’id ee ay wadajirka London ugu qabteen isaga iyo Ken McCallum waxa uu ku sheegay in haddii Shiinaha uu xoog ku qabsado Taiwan, ay taasi “yeelan doonto saameyn dhaqaale oo aan horay looga arag caalamka.”

Madaxda labada Hey’adood ayaa uga digay Ganacsatada iyo Aqoonyahanka dalalkooda khatarta uga iman karta Shiinaha, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay “xaddo fekerka iyo tiknoolajiyadda”.

199060cookie-checkMaraykanka iyo UK oo ka digay “khatar ka soo fool leh” Shiinaha