Ma Dhabaa in Muuse Biixi uu Weydistay Dhaqaale Shirkadaha iyo Ganacsatada Somaliland..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Muuse Biixi Cabdi ayaa u yeeray inta badan Ganacsatada Somaliland qeybaha ugu dhaqaalaha badan, wuxuu ka codsaday iney ku taageeraan dhaqaale isugu jira Deyn iyo Deeq si loogu fuliyo Dagaalka Degaanada Gobolka Sool….

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Muuse Biixi ayaa k codsaday Ganscsatadaan in $20 Millions oo deyn iyo Qaaran-Qaran loogu magac-daray iney ku soo uruuriyaan 30 maalin gudahood, Lacagtan ayuu sheegay in yoolkeedu yahay in loo adeegsanayo duulaanka Xaduudii Gumeystaha Ingiriiska lagu soo xirayo, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka jab soo gaaray, hub badan laga qabsaday, Maxaabiista ayuu sheegay in 20 nin oo labeen ama Lafdhabar u ahaa Asaaska ciidanka ka midyihiin oo xiran yihiin.

Wuxuu u sheegay “Somaliland cidna waxba weydiin mayso, haddii aan dagaalka laga durjin Caynaba iyo Oog” ayuu yiri, isagoo keenay Degaanka Oog Ciidamo iyo Maleeshiyi beeleedyo badan kuwaasoi qorsheynaaya iney dib ula wareegaan degaanadii laga saaray.

274350cookie-checkMa Dhabaa in Muuse Biixi uu Weydistay Dhaqaale Shirkadaha iyo Ganacsatada Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com