Matalaada Ciyaaraha Xulka Qaranka & Dhibaatada Tahriibka oo Xal loo la’yahay…

Somalia news Sports

Sanadahaan dambe waxaa aad u soo kordhaayay baxsashada Ciyaartoyda iyo Howlwadeenada Sportiga Qaaradaha Africa iyo Aasiya kuwaasoo marka loo qaado ka qeyb galka Tartan u baxsada Dalalka Europe si ay u helaan nolol dhaanta midii ku noolaayeen, iyadoo Arrintaani xal loo la’yahay Maareynteeda…

Tartanka Koobka Aduunka sanadka 2026 ee ka dhacaya dalalka Mareykanka, Maxsico & Canada ayaa dal walbo oo caalamka ku yaalla hardan adag ugu jiraa sidii uu ugu soo bixi lahaa ka qeyb galka koobkaasi oo afartii sanaba mar la qabto, ku darsoo Dalka Eritrea ayaa gabi ahaan isaga baxay ka qeyb galka tartanka Isreeb-reebka koobka Aduunka, kadib markii laga cabsaday in ciyaartoyda xulkaasi mataleysa ay baxsadaan oo aysan dalka dib ugu soo laaban.

Halka Dalka Somalia la xaqiijiyay in Ciyaartoy Difaaca Xulka Qaranka iyo Kooxda Horseed uga ciyaara (Maxamuud Cali (Etop) uu dhawaan ka baxsaday Xeradii Tababarka ee Dalka Tunisia, isagoo doonaya inuu sharci darro ku galo Dalalka Malta ama Itlay, Talaabadaan ayaa saameyn ku yeelan karta Sumcada Qaranka, iyadoo Dalka Tunisa uu qadar safar Saacado ah u jirta Dalka Italy dhinaca Badda Mediterranean Sea.

Dhinaca kale Ergada Xulka Qaranka ayaa gaaray Dalka Algeria, iyagoo la ciyaari doona Xulka Dalkaasi 16-ka bishaan.

287620cookie-checkMatalaada Ciyaaraha Xulka Qaranka & Dhibaatada Tahriibka oo Xal loo la’yahay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com