Cabsi Soo Wajahday Mustaqbalka Waxbarasho/Shahaado Ardayda Degaanada Puntland..

Somalia news

Wararka naga soo gaaray Degaanada Puntland ayaa sheegaya in cabsi soo wajahday mustaqbalka Waxbarasho/Shahaado Ardayda Degaanada Puntland, kadib markii ay dhibane u noqdeen khilaafka iyo muranka daba dheeraaday ee Dani (Puntland) & Hasan Sheekh…

Wararka ayaa sheegaya in Ardayda oo wax ku barta duruufo/Dhaqaale oo aad u adag marka la barbar dhigo dhigooda Konfurta iyo Bartamaha Dalka, inkastoo khilaafkaan soo jiitamaayay 7-sano salkana ku haya Imtixaanaadka mideysan Dugsiyada Sare iyo Dugsiyada Dhexe iyo manhajka mideysan ee Waxbarashada.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in qaadashada Shahaadiga Dugsiyada Puntland uu yahay kan ugu qaalisan Somalia, iyadoo ardaygii uu ku qaato Shahaadada 25-US$, waxaana u sii dheer in Ardayda Fasalada 4-aad ee Dugsiga Sare iyo kan 8-aad Dugsiyada dhexe laga qaado 30/50 US$, iyadoo lagu magacaabo kharashaadka Imtixaanka.

Sanad kasta ku dhawaad 10-kun oo Arday ayaa ka soo aflaxa Dugsiyada Waxbarashada Puntland, iyagoo qaata Shahaado ay Maamulku bixiyaan oo aysan ku khasbaneyn si ay u qaataan Shahaadada Dowlada Federaalka, talabaadaanbayaa ka dhigtay mid gelisay mugdi Mustaqbalkooda Waxbarasho, Maamulka Puntland ayaa Ardayda iyo Waalidka culeys ku saara iney Mogdishu u raadsadaan Aqoonsiga Shahaadada, Bacdamaa uusan jirin muddo 2-sano ah xiriir u dhaxeeya Puntland iyo Villa Somalia.

Maamulka Dugsiyada iyo Ururada Waxbarashada ka dhisan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, oo aan looga baran iney ku dhex milmaan Arrimaha Siyaasada iyo Khilaafka taagan, ayaa aamus ku suga xalinta xudunta Khilaafka, waxeyna ku xawilaan Waaliidka kuwaasoo Caruurtooda ula hayaama Magaalada Mogadishu si loo aqoonsado Shahaadada, Ardyada Dugsiyada Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Imtixaanaadka ka gala Dugsiyada Konfurta Gaalkacyo.

287550cookie-checkCabsi Soo Wajahday Mustaqbalka Waxbarasho/Shahaado Ardayda Degaanada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com