Ma Dhabaa In Mr.Qorqor Uu La Kulmaayo Saraakiisha Sirdoon

Somalia news

Macluumaad hordhac ah laga soo sheegaya Safarka aan qorsheysneyn ee halka maalin ah ee Mr.Qoorqoor uu maanta ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay inuu ahaa balan gaar ah uu la leeyahay Madaxa Mukhaabaraadka dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika oo lagu magacaabo Xuseen Darwiish Al-Shamsi iyadoo sida la aaminsan yahay kulankan uu soo qaban qaabiyey Ganacsade Liiban Tahlil Warsame, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu Kulamo la yeesho Madaxda Shirkad Mareykan ah Oo daneyneysa Dhismaha Dekeda Hobyo.

Kulankan qarsoodiga ah ayaa laga yaabaa inuu saameyn culus ku yeesho shirka Muqdisho uga socda Madaxda Maamul goboleedyadda iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka.

Maalmahaan ayaa la sheegayaa in Mr.Qorqor uu shuruud ku xiray Mr.Farmaajo in Wasiirka 1-aad loo magacaabo Mr.Cabdikariim Xuseen Guuleed wuxuu xiligaan kulan kula leeyahay Hoteel ku yaal agagaarka garoonka Diyaaradaha Ee Juma Kenyatta.

60230cookie-checkMa Dhabaa In Mr.Qorqor Uu La Kulmaayo Saraakiisha Sirdoon